Xisbullaah iyo Israa’iil oo Gantaallo is weydaarsaday

Ciidamada Cirka Israa’iil,ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay weerareen Xarunta hawlgalka ee kooxda Islaamiga ah ee Xisbullah ee Dalka Lubnaan.

Milatariga Israa’iil,ayaa sidoo kale sheegay in ay garaaceen kaabayaasha argagixisada oo ay ku jiraan goobaha weerada laga soo qaado iyo Bakhaar hubka ah.

Shalayna kooxda Xisbullah,ayaa sheegtay in ay weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada Israa’iil oo ay ku jirto meel u dhow magaalada Metula ee Waqooyiga dalkaasi ku taal,waxana ay shaacisay dhimashada Lix ka mid ah dagaalyahanadeeda muddo 24 saac ah.

“Warbaahinta Lubnaan,ayaa ku warrantay in Laba Qof oo rayid ah la dilay maanta,mid waxaa toogtay askari Israa’iili ah, mid kalena wuxuu dhintay ka dib duqayn cirka ah oo Israa’iil ka geysatay Tuulada Markaba”Sida uu qoray wargeyska afka Faransiiska ku hadla ee L’Orient-Le Jour.