Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo maanta ka dhacay Togga Miiraale, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Difaaca Dowladda Puntland iyo maleeshiyaadka firxadka ah ee argagixisada Daacish.
Dagaalka oo qaatay ilaa 10 saacadood ayaa lagu dilay tiro kabadan 60 xubnood oo argagixisada Daacish, kuwaas oo meydadkooda daadsan yihiin goobihii lagu dagaalamay.
Dhanka ciidamada Puntland – 18 askari ayaa ku geeryooday, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 30 Askari, dagaalka oo ahaa mid kamid ah kuwii ugu cuslaa ee lala galo argagixisada Daacish, tan iyo markii uu bilowday howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.
Saddex kamid ah ceelasha 4 ah ee ku yaalla Togga Miiraale ayaa ciidamadu qabsadeen, tan oo ka dhigan hor u socod weyn oo laga sameeyay goobaha dagaalka.
Caawa, saaxiibada caalamiga ah ee Puntland ka taageerayay howlgalka ayaa bilaabay duqeymo, iyadoo ciidamadu ay gulufka dagaal sii wadi doonaan.
IDILNEWS