Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waa kuma Wasiirka Qorshaynta cusub Ee Puntland?
    Somalia

    Waa kuma Wasiirka Qorshaynta cusub Ee Puntland?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 23, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    WAA KUMA WASIIRKA QORSHEYNTA PUNTLAND Dr Mohamed Siciid Faroole oo ah Aqoonyahan aqoontiisu aad u sareyso wuxuu Afar shahaado oo caalami ah ka haystaa waxbarashada heerka 1aad iyo heerka 2aad.

    WAXBARASHADA

    1.Heerka kowaad (Becholar Medical Sceince) wuxuu ka qaatay sanadkii 1996-1999 Jaamacada La Trobe University Melbourne Australia.

    2.Heerka labaad waxbarashada Jaamacadda (Master of Public Health) caafimaadka cuddurada guud wuxuu ka qaatay Jaamacadda Monash University Melbourne Australia sanadkii 2001-2003.

    3.Wuxuu kaloo ka haystaa heerka labaad waxbarashada cilmiga horumarinta caalamiga (Master of International and Community Development) oo uu ku diyaariyay Jaamacada Deakin University of Australia.

    4.Wuxuu haystaa Diploma of Public health oo uu ka qaatey isla jaamacada Monash University sanadkii 2000.

    Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Puntland 20-kii sano ee u dambeeyay xagga shaqada wuxuu kazoo shaqeeyay arrimaha horumarinta iyo bini’aadamtinimada,wuxuuna La taliye sare kazoo noqday Wasaaradaha Qorsheynta,Caafimaadka,Xanaanada Xoolaha,Hay’adda UNDP,World Bank,FOA iyo Ururo kale oo heer caalami ah.

    Sanadkii 2005-tii wuxuu ka mid ahaa Aqoonyahankii dejiyay Qorshihii lagu magacaabi jiray horumarinta shanta shano (5 Year Plan) oo furre u ahaa inay mashaariic waaweyn Dowladda Puntland ka hesho Hay’addaha caalamiga iyo Dowladdaha Caalamka.

    Sidoo kale Dr Maxamed Siciid Faroole wuxuu xubin firfircoon oo heer Soomaaliya kazoo noqday Afar guddi oo kala ah.
    1.Somalia Humanitrian Country Fund 2015
    2.Health advisory board and (HAB) and heath sector Committee.
    3.Food security cluster strategy group 2013.
    4.CHF advisory board member 2011-2014.

    Sanadkii 2010 wuxuu Asaasay Hay’adda KISIMA International oo iminka u adeegta Dadka Reer Jubbaland islamarkaana mashaariic ka fulisay Gobollada Jubbadda hoose,Jubbada Dhexe, Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Gobolka Bari.

    Dr Mohamed Siciid wuxuu ka mid ahaa Asaasayaashii ugu horreeeyay Jaamacadda PSU Puntland State University iyo Ururo samafal ah oo dalka ka shaqo bilaabay laga soo bilaabo 1992 illaa 2022.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.