Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waa kuma Wasiirka Qorshaynta cusub Ee Puntland?
    Somalia

    Waa kuma Wasiirka Qorshaynta cusub Ee Puntland?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 23, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    WAA KUMA WASIIRKA QORSHEYNTA PUNTLAND Dr Mohamed Siciid Faroole oo ah Aqoonyahan aqoontiisu aad u sareyso wuxuu Afar shahaado oo caalami ah ka haystaa waxbarashada heerka 1aad iyo heerka 2aad.

    WAXBARASHADA

    1.Heerka kowaad (Becholar Medical Sceince) wuxuu ka qaatay sanadkii 1996-1999 Jaamacada La Trobe University Melbourne Australia.

    2.Heerka labaad waxbarashada Jaamacadda (Master of Public Health) caafimaadka cuddurada guud wuxuu ka qaatay Jaamacadda Monash University Melbourne Australia sanadkii 2001-2003.

    3.Wuxuu kaloo ka haystaa heerka labaad waxbarashada cilmiga horumarinta caalamiga (Master of International and Community Development) oo uu ku diyaariyay Jaamacada Deakin University of Australia.

    4.Wuxuu haystaa Diploma of Public health oo uu ka qaatey isla jaamacada Monash University sanadkii 2000.

    Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Puntland 20-kii sano ee u dambeeyay xagga shaqada wuxuu kazoo shaqeeyay arrimaha horumarinta iyo bini’aadamtinimada,wuxuuna La taliye sare kazoo noqday Wasaaradaha Qorsheynta,Caafimaadka,Xanaanada Xoolaha,Hay’adda UNDP,World Bank,FOA iyo Ururo kale oo heer caalami ah.

    Sanadkii 2005-tii wuxuu ka mid ahaa Aqoonyahankii dejiyay Qorshihii lagu magacaabi jiray horumarinta shanta shano (5 Year Plan) oo furre u ahaa inay mashaariic waaweyn Dowladda Puntland ka hesho Hay’addaha caalamiga iyo Dowladdaha Caalamka.

    Sidoo kale Dr Maxamed Siciid Faroole wuxuu xubin firfircoon oo heer Soomaaliya kazoo noqday Afar guddi oo kala ah.
    1.Somalia Humanitrian Country Fund 2015
    2.Health advisory board and (HAB) and heath sector Committee.
    3.Food security cluster strategy group 2013.
    4.CHF advisory board member 2011-2014.

    Sanadkii 2010 wuxuu Asaasay Hay’adda KISIMA International oo iminka u adeegta Dadka Reer Jubbaland islamarkaana mashaariic ka fulisay Gobollada Jubbadda hoose,Jubbada Dhexe, Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Gobolka Bari.

    Dr Mohamed Siciid wuxuu ka mid ahaa Asaasayaashii ugu horreeeyay Jaamacadda PSU Puntland State University iyo Ururo samafal ah oo dalka ka shaqo bilaabay laga soo bilaabo 1992 illaa 2022.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Hidden Hand Behind the AU Peace and Security Council’s Endorsement of Sham Elections

    November 28, 2026

    Turkiga oo joojiyay baaristii Shidaalka Galmudug Ee Koonfurta Somaliya

    November 26, 2026

    Faallo:-Yaa ka danbeeya kicinta Shacabka Garowe?

    November 26, 2026
    Latest Posts

    The Hidden Hand Behind the AU Peace and Security Council’s Endorsement of Sham Elections

    Turkiga oo joojiyay baaristii Shidaalka Galmudug Ee Koonfurta Somaliya

    Faallo:-Yaa ka danbeeya kicinta Shacabka Garowe?

    Qurba-joogta Gobolka Mudug oo muujiyay Wadaniyad iyo waxqabad

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo

    Xasan Shiikh oo diyaarsaday doorasho isagu leeyahay

    Ciidanka Badda PL oo noqday kuwa ugu hormarsan guud ahaan Somaliya

    Faallo:-Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ubaahan dib uhabayn balaaran

    War murtiyeedka Shirweynaha dib u eegista iyo horumarinta adeega Bulshada

    Faallo:-Xasan oo wada shaqo Puntland dan u ah










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.