Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiirada arrimaha dibadda ee Sacuudiga iyo Iran oo mar kale kulmay
    Somalia

    Wasiirada arrimaha dibadda ee Sacuudiga iyo Iran oo mar kale kulmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 6, 2023Updated:April 6, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Sacuudiga iyo Iran,ayaa kulmay markii ugu horeysay muddo ka badan 7-sano.

    Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen, ka dib wada hadalo uu Shiinuhu dhexdhexaadinayey oo ka dhacay magaalada Beijing, ayay ku xaqiijiyeen inay doonayaan inay dib u furaan xafiisyadooda diblomaasiyadeed muddo laba bilood gudahood ah.

    Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in dib loo bilaabo safaradii laba geesoodka ahaa ee shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo wufuudda rasmiga ah, iyo in laga wada hadlo sidii dib looggu bilaabi lahaa duulimaadyadii dalalkooda.

    War saxaafadeedka,ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu ballaarin doono kalsoonida labada dhinac, isla markaana uu gacan ka geysan doono abuurista jawi dagan iyo horumar uu ku tallaabsado gobolka ay labadda dal kulaalaan.

    Sacuudi Carabiya,ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Iran bishii Janaayo ee sanadkii 2016-kii, ka dib markii dibad baxayaasha Iran, oo ka carooday dilka wadaad Shiico ah, ay weerareen safaaradda Sacuudiga ee magaalada Tehran.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.