Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo ku tilmaantay magacaabista Cabdikariin wax lala yaabo
    Somalia

    Puntland oo ku tilmaantay magacaabista Cabdikariin wax lala yaabo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 6, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    WAR-SAXAAFADEED

    Magacaabis la yaab leh

    In kabadan labo bilood waxaa magaalada Laascaanood ka socda dagaal xasuuq ah oo ay ciidamada Somaliland doonayaan in ay Gooni-goosad khasab ah ku meel mariyaan.

    Colaadda Laascaanood ayaa keentay barakaca in ka badan 200 (labo boqol oo kun oo shacab), Dhimasho, Dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh.

    Baahida ugu weyn ee maanta Laascaanood ka jirtaa waa sidii gurmad deg deg ah oo bini’aadantinimo loo gaarsiin lahaa dadka Colaaddu waxyeelaysay, ciidamada duulaanka ahna magaalada looga dulqaadi lahaa.

    Waxaa la yaab noqotay in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu si lama filaan ah 01 April 2023 Cabdikariin Xuseen Guuleed ugu magacaabo waxa uu ugu yeeray “Ergayga wada hadalada Somaliland”.

    Haddaba, sidee loo akhrin karaa, maxayse ka dhigantahay magacaabidda Cabdikariin Guuleed?

    1) Waxaa loo akhrin karaa marin-habaabin qorshaysan oo lagu deg degay si indhaha dadka Soomaalida ah iyo kuwa Beesha Caalamkaba looga jeedinayo Colaadda iyo xasuuqa dadka Reer Laascaanood, culayskana looga dulqaadayo Muuse Biixi iyo gabood falkiisa.

    2) Dhayalsi iyo hoos u dhig baaxadda culayska mushkiladda maanta Laascaanood ka taagan iyo gudasho la’aanta waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee difaacda shacabka Gobolka Sool.

    3) Waxay muujiinaysaa wewel iyo shaki in aan Dowladda Federaalka ahi garsoore iyo dhex-dhexaad ka noqon karin colaadda Laascaanood iyo qadiyadda la isku hayo, madaama ay aragti gaar ah ka leedahay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay qayb ka yihiin Somaliland, sida ka muuqata qoraalka magacaabista. Arrintaani waxay dhinac marsantahay tabashooyinkii dheeraa ee dadka Reer Sool iyo go’aankoodi ay ku caddeeyeen in aysan qayb ka ahayn Somaliland.
    Waxay kaloo dhinac marsan tahay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay Puntland wax ka dhisteen oo Dastuur ahaan iyo wax qaybsi ahaanba uga midyihiin.

    Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda Dowladda Federaalka ah in aysan dhinac u xaglin ugana darin xaaladda murugsan ee ka taagan magaalada Laascaanood iyo Gobolada SSC.

    4) Hadalada dhiilada leh ee kasoo yeeraya qaar ka mid ah Madaxda sare ee Dawladda Federaalka ah iyo eedaynta gardarrada ah ee dusha laga saarayo hoggaanka dhaqanka Gobolada SSC inay iyagu ka dambeeyaan dhibtaada Laascaanood waa in la joojiyaa, raali gelinna laga bixiyo.

    5) Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa xukuumadda Somaliland in ay ciidamadeeda kala baxdo Gobolka Sool si nabad loo helo, dadka Reer SSC-na loo ogolaado in ay aayahooda go’aan ka gaaraan iyagoo xor ah.

    6) Waxaan ugu baaqaynaa dadka soomaalida ah, gaar ahaan shacabka Reer Puntland iyo Beesha caalamkaba in ay laban-laabaan gurmadka iyo dadaalada bini’aadantinomo ee lagu garab isataayo dadka ku wax yeeloobay colaadda magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoos taga ee Gobolka Sool.

    Dhammaad

    Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Puntland Army killed more than 15 Terrorists Militant last two days

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.