Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wadahadaladii Itoobiya iyo IMF oo isfahan fiican laga gaaray
    Somalia

    Wadahadaladii Itoobiya iyo IMF oo isfahan fiican laga gaaray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 8, 2023Updated:April 8, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Santuukha Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka iyo Dowlada Itoobiya,ayaa horumar ka sameeyay wadahadallada ku saabsan taageerada santuukhaas ee barnaamijka dib u habeynta dhaqaalaha dalkaas.

    Wadahadallada,ayaa ka sii socon doona Washington toddobaadka soo socda”Sida laga soo xigtay IMF.

    Saraakiisha IMF-ta,ayaa ku sugnaa Itoobiya ilaa dabayaaqadii bishii March, markaasoo Afhayeen u hadlay Santuukha uu sheegay in ay qabanayaan shaqo farsamo oo ay ugu diyaar garoobayaan barnaamij ay IMF taageerto.

    “Waxaan horumar ka sameynay ka doodista baaxadda taageerada IMF ee barnaamijkan dib u habeynta,” Alvaro Piris Madaxa weftiga howlgalka IMF,ayaa ku yiri sidaas war uu soo saaray.

    Dabayaaqadii bishii March, IMF waxa ay sheegtay in ay soo dhawaynayso horumarka ay Itoobiya ka samaysay soo celinta nabad iyo xasillooni waarta ka dib heshiis bishii November lagu joojiyay colaada iyo soo celinta gargaarka bini’aadantinimo iyo adeegyada aasaasiga ah ee Waqooyiga Gobolka Tigray.

    Horumarka laga gaaray barnaamijka IMF iyo codsigii Itoobiya ee ahaa in deymaha laga cafiyo,ayaa hakad ugalay qayb ahaan colaadda Labada Sano ka socotay Gobolka Tigray.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.