Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo ay ka baxday siro xasaasiya oo ceebeeyay
    Somalia

    Maraykanka oo ay ka baxday siro xasaasiya oo ceebeeyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 14, 2023Updated:April 14, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hey’adda Danbi-baarista Mareykanka ee loo soo gaabsho FBI ayaa Khamiista maanta ah xirtay, xubin ka tirsan ciidanka cirka Mareykanka, kaas oo looga shakisanyahay inuu bixiyay dukumintiyo sir ahaa oo fadeexo ku noqday Mareykanka.

    Dukumintiyada loo dusiyay baraha bulshada kaddibna ay soo xigteen Warbaahinta caalamiga ah ayaa gaaray 50, halka wararka qaar ay sheegayaan in ay gaari karaan 100.

    Qaar ka mid ah kuwa ugu xasaasisan ayaa si faah-faahsan xoogga u saaray awoodaha millatariga Ukraine, meelaha ay daciifka ka yihiin iyo xogo kale oo ku saabsan Mareykanka iyo xulufadiisa.

    Arrintan ayaa yaxyax ku noqotay Washinton, oo wajiga siin weysay xulufadeeda daafaha caalamka.

    Xoghayaha Waaxda Caddaaladda Mareykanka Merrick Garland ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqay xariga nin ka tirsan ciidanka cirka qeybtiisa ilaalada qaranka.

     

    The FBI arrested Jack Douglas Teixeira, a 21-year-old member of the US Air National Guard, over the leaks online of classified documents https://t.co/DVrF5o8NrN pic.twitter.com/8EtduBQile

    — Reuters (@Reuters) April 14, 2023

    Ninkan ayaa lagu magacaabaa Jack Teixeira. Saraakiil ka tirsan FBI ayaa kasoo xiray magaalada North Dighton ee gobolka Massachusetts.

    Waxaan kasoo xigannay VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.