Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa ka jira in Xasan Sh. Heshiis Shidaal la galayo Shirkada Eni?
    Somalia

    Maxaa ka jira in Xasan Sh. Heshiis Shidaal la galayo Shirkada Eni?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 16, 2023Updated:April 16, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warar aan la xaqiijin karin oo iska soo daba dhacaya,ayaa sheegaya in Xasan Shiikh siinayo Shirkada Shidaalka Eni ee Talyaaniga Qaybo ka mid ah Badda Somaliya ee lagu tuhmayo in Shidaal ku jiro.

    Qaybahaas la sheegayo in Eni loo saxiixayo,ayaa ku Aadan Jubaland.

    Sidoo kale,waxaa soo baxaya tuhun sheegaya in M.Xasan ogolaaday Shidaal laga baaro Badda Somaliya ee Kenya ku haysato,taasoo Maxkamada caalamiga ah uxukuntay Somaliya.

    Xasan,waxuu aqbalay in waxii halkaa laga helo Kenya,wax laga siiyo,sida wararku sheegayaan.

    Itoobiya,ayay wararku sheegayaan in ay heshiiskan kaga qaybgalayso dhanka xaqiijinta amniga,gaar ahaan Gedo iyo Gaaska lagu tuhmayo.

    Wararku waxay kaloo tilmaamayaan in Lacag Xuquuqul Qalin ah oo gaaraysa $30-Milyan uu Eni kasoo dhameeyay Prof.Jurille oo Adis lagu kala qaadanayo.

    Balse wararkan,waxaa hoos udhigaya haldoorka Somaliyed ee xog ogaalka ka ah Shidaalka iyo Siyaasadaha ku gadaaman…

    1.Eni,waxaa maalgeliya Qatar 70% ,taasna waxay keenaysaa in Imaaraadka oo Xasan Musdanbeed u ah uusan aqbalayn.

    2.Eni waxay kusoo fashilantay Ceelkii Lamu oo ay kusoo khasaartay,waana isku dhaceen Dowlada Kenya oo way ka leexatay markii Maxkamadu uxukuntay Somaliya Qaybihii ksle ee laysku haystay.

    3.Eni,waa Yurub,waxaana ogolayn in Saliida Somaliya lagu tuhmayo aysan soo gelin Maraykanka oo uusan Xasan iska indhotiri karin saamayntiisa.

    4.Hadii heshiis Shidaal lawada galayo,waxaa khasab noqon lahayd in gudaha Somaliya lagu kala saxiixdo.

    Waxa la og yahay,waa in Xasan baahi weyn uqabo Dhaqaale si shaqsiyan ah iyo si guud Dowlada uu hogaaminayo ee Villa Somaliya.

    Isku soo wada duuboo kulanka Adis,waxaa laysla fahansan yahay in uu salkiisu yahay dib usoo noolaynta saamaynta Talyaaniga ee Geeska Afrika.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.