Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa udanbeeyay dagaalka Sudan Ee Labada Jeneral
    Somalia

    Maxaa udanbeeyay dagaalka Sudan Ee Labada Jeneral

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 16, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dagaalka ka socda Sudan ee u dhexeeya janaraallada ciidamada ee talada dalkaasi hayay tan iyo afgenbigii ay sameeyeen 2021-kii ayaa Axadda maanta ah galay maalintiisii labaad, waxaana ku dhintay ugu yaraan 56 qof, iyadoo boqollaal kalana ay ku dhaawacmeen.

    Qaraxyo iyo rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa dhismayaasha dhinacyada bari iyo koonfureed ee caasimadda Khartoum, iyadoo taangiyada iyo diyaaradaha dagaalku ay qeyb ka yihiin dagaalkaa sida ay goobjoogeyaashu sheegayaan.

    Rabshadaha ayaa qarxay saacadihii hore ee Sabtidii kadib toddobaadyo uu muran qotodheer u dhexeeyey hoggaamiyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo ku x-geenkiisa, Mohamed Hamdan Daglo oo ah taliyaha kooxda sida weyn u hubeysan ee (RSF), waxaana labada hoggaamiye uu midba kan kale ku eedeynayaa in uu isagu dagaalka bilaabay.

    Labada dhinac ayaa guulo ka sheegtay maamulka xarumo muhiim ah iyadoo TV-ga dowladdu uu baahinayo heeso wadani ah oo aysan wax barnaamij ah laga sii deyneynin.

    Ciidamada RSF ee hoostaga Daglo ayaa sheegtay in ay qabsadeen xarunta madaxtooyada, garoonka diyaaradaha ee Khartoum iyo goobo kale oo istaraatiiji ah, laakin ciidamada ayaa ku adkeystay in ay iyagu ka taliyaan, iyadoo ciidamada cirka ay sabtidii dadka ku boorriyeen in ay guryahooda joogaan maadaama ay duqeynayaan fariisimada kooxda RSF.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.