Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa udanbeeyay dagaalka Sudan Ee Labada Jeneral
    Somalia

    Maxaa udanbeeyay dagaalka Sudan Ee Labada Jeneral

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 16, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dagaalka ka socda Sudan ee u dhexeeya janaraallada ciidamada ee talada dalkaasi hayay tan iyo afgenbigii ay sameeyeen 2021-kii ayaa Axadda maanta ah galay maalintiisii labaad, waxaana ku dhintay ugu yaraan 56 qof, iyadoo boqollaal kalana ay ku dhaawacmeen.

    Qaraxyo iyo rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa dhismayaasha dhinacyada bari iyo koonfureed ee caasimadda Khartoum, iyadoo taangiyada iyo diyaaradaha dagaalku ay qeyb ka yihiin dagaalkaa sida ay goobjoogeyaashu sheegayaan.

    Rabshadaha ayaa qarxay saacadihii hore ee Sabtidii kadib toddobaadyo uu muran qotodheer u dhexeeyey hoggaamiyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo ku x-geenkiisa, Mohamed Hamdan Daglo oo ah taliyaha kooxda sida weyn u hubeysan ee (RSF), waxaana labada hoggaamiye uu midba kan kale ku eedeynayaa in uu isagu dagaalka bilaabay.

    Labada dhinac ayaa guulo ka sheegtay maamulka xarumo muhiim ah iyadoo TV-ga dowladdu uu baahinayo heeso wadani ah oo aysan wax barnaamij ah laga sii deyneynin.

    Ciidamada RSF ee hoostaga Daglo ayaa sheegtay in ay qabsadeen xarunta madaxtooyada, garoonka diyaaradaha ee Khartoum iyo goobo kale oo istaraatiiji ah, laakin ciidamada ayaa ku adkeystay in ay iyagu ka taliyaan, iyadoo ciidamada cirka ay sabtidii dadka ku boorriyeen in ay guryahooda joogaan maadaama ay duqeynayaan fariisimada kooxda RSF.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.