Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Erdogan oo wajahaya loollankii doorasho oo abid ugu adkaa.
    Somalia

    Erdogan oo wajahaya loollankii doorasho oo abid ugu adkaa.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 29, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Lix xisbi oo mucaarad ah ayaa u midoobay doorashada madaxtinimada iyo tan baarlamanka oo 14-ka May dhaceyso, iyaga oo madaxtinimada u soo xusahay Kemal Kilicdaroglu.

    Turkiga oo muuqda inta uu xilka qabtay Erdogan inuu keligii-talisnimo dalkaasi ku mamulayey ayey mucaaradka doonayaan iney wax ka baddalaan.

    Waxaana si gaar ah Erdogan u nugleeyey sicir bararka cirka isku shareeray welina taagan iyo dhul gariirki mataanaha ahaa ee sababay dhimashada inka badan 50,000 oo qof.

    Malaayiin shacab ah oo ku nool 11 gobol oo Turkiga ka tirsan ayaa ku guryo beelay. Iyada oo deegaannada uu dhul gariirka ku dhuftay badankood ay ahaayeen deegaanno uu ku xooggan yahay xisbiga Erdogan oo ay codad badan uga soo dhacaan..

    Musharraxa hela kala bar iyo wixi ka sarreeya codka doorashada dhaceyso 14-ka May laga dhiibto ayaana noqonaya musharraxa guuleysta.

    Haddii wareegga koobaad lagu kala bixi waayana laba toddobaad gudahood waxaa la aadayaa wareegga labaad ee doorashada.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.