Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ruushka oo si weyn ugu jabay dagaalka Bariga Ukrain
    Somalia

    Ruushka oo si weyn ugu jabay dagaalka Bariga Ukrain

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 2, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    In ka badan 20,000 oo askari oo Russian ah ayaa ku dhintay, 80,000 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen shan bilood oo dagaal uu ka socday bariga Ukraine, gaar ahaan Bakhmut, waxaa sidaas Isniintii sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad.

    “Waxaan qiyaasaynaa in Ruushka uu la kulmay khasaare ka badan 100,000, oo ay ku jiraan in ka abdan 20,000 oo la dilay,” ayuu weriyayaasha u sheegay afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby.

    “Isku daygii Russia ee weerarka Donbass, gaar ahaan Bakhmut, waa uu fashilmay… Russia waa ay ku guuldarreysatay inay qabsato dhul la taaban karo oo muhiim ah,” ayuu yiri.

    Kirby oo soo xiganaya warbixin sirdoon oo Mareykan ah, ayaa sheegay in kala bar kuwa la dilay ay ahaayeen askar ay soo qortay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Wagner, oo inta badan ciidanka kasoo qorata xabsiyada Ruushka.

    Khasaraaha dagaalka — oo inta badan ka dhacay Bakhmut, halkaasi oo ciidamada Ukraine laga saaray magaalada waxyar mooyee — ayaa ah tan iyo billowgii December, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

    “Isku dayga dadaalkan, gaar ahaan Bakhmut, wuxuu ku fariistay qiime culus. Russia waxay hurtay inta badan hubkeeda iyo ciidankeeda,” ayuu yiri Kirby.

    Kirby ayaa sheegay inuusan bixineyn qiyaasta khasaaraha Ukraine, sababtoo ah buu yiri “waa dhibanayaasha, Ruushkana waa kuwa gardarrada wada.”

    Aqalka Cad banaanka ma keenayo “akhbaar xaaladda kusii adkeyn karta” xulufo Reer Galbeed oo ciidankooda ay tababaraan ama hubeeyaan isbaheysiga dalalka Mareykanka uu hoggaamiyo, ayuu yiri Kirby.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.