Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qul-qulka Muhaajiriinta Ee Maraykanka oo laga hortagayo
    Somalia

    Qul-qulka Muhaajiriinta Ee Maraykanka oo laga hortagayo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 3, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka,ayaa Talaadadii sheegtay inay ciidamo dheeraad ah gayn doonto si ay gacan uga gaystaan sugidda amniga xuduudda Mareykanka iyo Mexico.

    Go’aankan,ayaa imanaya xilli saraakiisha ay ka cabsi qabaan inay sare u kacaan muhaajiriinta isku dayaya inay kasoo gudbaan xuduudda marka ay 11-ka May dhammaadaan xayiraadaha socdaallka ee la xiriira COVID-19.

    Qiyaastii 1,500 oo askari ayaa la gayn doonaa xuduudda, kuwaasi oo dheeri ku noqon doona 2,500 oo horey halkaas u joogay si ay u taageeraan mas’uuliyiinta ilaalada xuduudda.

    “Muddo 90 maalmood ah, shaqalaahan militari waxay buuxin doonaan firaaqyo xasaasi ah,” waxaa sidaas bayaan ku yiri afhayeen u hadlan Pentagon-ka Sarreeye Guuto Pat Ryder.

    Marka la gaaro 11-ka May, maamulka madaxweyne Biden ayaa qaadi doona xeerka Title 42, oo ah xayiraad adag oo uu soo saaray madaxweyne Donald Trump, si uu u diido soo gelitaanka muhaajiriinta, una eryo dadka magan-galyo doonka ah, ayada oo qiil laga dhiganayo COVID-19.

    Ayada oo la fududeynayo xeerarkii Coronavirs — oo ay ku jirto go’aankii Isniinta ee lagu soo afjaray tallaalka looga baahnaa dadka usoo safraya Mareykanka — maamulka Biden qiil kama dhigan karo xeerka Title 42, si loo xakameeyo muhaajiriinta.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.