Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-PL waxay haysataa fursad kale oo ay ku muujiso inta ay Somalida kale ka horrayso.
    Somalia

    Faallo:-PL waxay haysataa fursad kale oo ay ku muujiso inta ay Somalida kale ka horrayso.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 11, 2023Updated:May 11, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ilbaxnimada iyo xadaaradaha la isugu faano ee dadku ku kala tagay wax kale maaha e waa uun hal tallaabo oo la qaaday waqti inta kale ay fadhiday.

    Halkaas tallaabo ayaa sees u noqota horumar baaxad leh, taariikh guun ah iyo xadaarad loo noqdo mar walba oo xalku adkaado.

    Tallaabo noocaas ah waxaa qaaday reer PL 1998. Sida uu sheegay raysulwasaare Dr caqlibadane Xamse Cabdi Barre, waqti dadku hurday ayay dad reer PL ah tooseen oo maamul salka u dhigeen.

    Halkaas tallaabo waxaa ay ka hormarisay dalka intiisa kale. Waxay noqotay calaamad ilbaxnimo oo Soomaalida ka soocda. Waxaa ay noqotay seeska horumarka deegaankaas. Waxaa ay noqotay marjica loo noqday maaliintii ay adkaatay ee Boosaaso la isku laayay!

    Tallaabadii ay qaadeen reer PL 1998 waxaa ay u gudubtay Soomaaliya inteeda kale. Markii damiyeen dabkii ka shidnaa gurigooda ayay u istaageen in ay damiyaan kan dalka intiisa kale ka holcaya sida uu marar badan ku celceliyay barfasoor Xasan Sheekh!

    Tallaabadaas labaad waxaa ay keentay in loo aqoonsado in ay yihiin dadkii soo celiyay dawladnimada Soomaaliya.

    Waxaa ay diiwaanka ku qoreen in uu noqdo AUN madaxweyne Cabdullahi Yuusuf madaxweynihii ugu horreeyay ee dib u fura Filla Soomaaliya oo 16 sano uusan madaxweyne ka soo toosin.

    Intaas oo arar ah oo tixraac leh waxaan u maray in aan iraahdo reer PL maanta waxaa ay haystaan fursad kale oo muujisa inta ay Soomaalida ka horreeyaan.

    Mar kale ayaa taariikh aan la idinku qabsan dhigi kartaan ee yaysan idin dhaafin. Haddii Cabdullahi noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Fillada dib u furey, u oggolaada in uu Deni noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee doorasho qabta tan 1969-kii.

    24-ka May haddii ay taasi dhacdo ilbaxnimo la fac ah middii Giriigga iyo Beershiyaanka ayaad dhidibka u taagteen.

    Ku dayoo PL ku dayoo.

    Qore:-Ibraahim Aadan Shire

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.