Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-PL waxay haysataa fursad kale oo ay ku muujiso inta ay Somalida kale ka horrayso.
    Somalia

    Faallo:-PL waxay haysataa fursad kale oo ay ku muujiso inta ay Somalida kale ka horrayso.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 11, 2023Updated:May 11, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ilbaxnimada iyo xadaaradaha la isugu faano ee dadku ku kala tagay wax kale maaha e waa uun hal tallaabo oo la qaaday waqti inta kale ay fadhiday.

    Halkaas tallaabo ayaa sees u noqota horumar baaxad leh, taariikh guun ah iyo xadaarad loo noqdo mar walba oo xalku adkaado.

    Tallaabo noocaas ah waxaa qaaday reer PL 1998. Sida uu sheegay raysulwasaare Dr caqlibadane Xamse Cabdi Barre, waqti dadku hurday ayay dad reer PL ah tooseen oo maamul salka u dhigeen.

    Halkaas tallaabo waxaa ay ka hormarisay dalka intiisa kale. Waxay noqotay calaamad ilbaxnimo oo Soomaalida ka soocda. Waxaa ay noqotay seeska horumarka deegaankaas. Waxaa ay noqotay marjica loo noqday maaliintii ay adkaatay ee Boosaaso la isku laayay!

    Tallaabadii ay qaadeen reer PL 1998 waxaa ay u gudubtay Soomaaliya inteeda kale. Markii damiyeen dabkii ka shidnaa gurigooda ayay u istaageen in ay damiyaan kan dalka intiisa kale ka holcaya sida uu marar badan ku celceliyay barfasoor Xasan Sheekh!

    Tallaabadaas labaad waxaa ay keentay in loo aqoonsado in ay yihiin dadkii soo celiyay dawladnimada Soomaaliya.

    Waxaa ay diiwaanka ku qoreen in uu noqdo AUN madaxweyne Cabdullahi Yuusuf madaxweynihii ugu horreeyay ee dib u fura Filla Soomaaliya oo 16 sano uusan madaxweyne ka soo toosin.

    Intaas oo arar ah oo tixraac leh waxaan u maray in aan iraahdo reer PL maanta waxaa ay haystaan fursad kale oo muujisa inta ay Soomaalida ka horreeyaan.

    Mar kale ayaa taariikh aan la idinku qabsan dhigi kartaan ee yaysan idin dhaafin. Haddii Cabdullahi noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Fillada dib u furey, u oggolaada in uu Deni noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee doorasho qabta tan 1969-kii.

    24-ka May haddii ay taasi dhacdo ilbaxnimo la fac ah middii Giriigga iyo Beershiyaanka ayaad dhidibka u taagteen.

    Ku dayoo PL ku dayoo.

    Qore:-Ibraahim Aadan Shire

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.