Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ilhaan Cumar oo loo magacaabay Xubin sare oo G.Maaliyada Aqalka Wakiilada
    Somalia

    Ilhaan Cumar oo loo magacaabay Xubin sare oo G.Maaliyada Aqalka Wakiilada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 9, 2023Updated:June 9, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ilhaan Cumar ayaa loo magacaabay ku-xigeenka hoggaanka xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka. Guddigan ayaa mas’uul ka ah dejinta heerarka kharashka guud ee dowladda.

    Ilhaan, oo laga soo doorto gobolka Minnesota, ayaa horey xubin uga aheyd guddigan muddadii Congress-kii 116-aad.

    “Aad ayaan ugu faraxsanahay in asxaabteyda dimoqraadiga ay iigu codeeyaan ku-xigeenka xubinta ugu sarreysa Dimoqraadiga ee guddiga miisaaniyadda,” ayey tiri xildhibaan Cumar oo bayaan soo saartay.

    “Miisaaniyadaha waxay ka tarjumayaan qiyamkeena. Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay inaan ku biiro hoggaanka wanaagsan Brendan Boyle, si aan u hubinno inaan riixno miisaaniyado ay dadka u dub dhexaad u yihiin oo maalgeliya baahiyaha dadka Mareykanka,” ayey tiri.

    “Aad ayey sidii hore uga muhimsan tahay in loo dagaallamo miisaaniyado lagu maalgeliyo daryeelka caafimaadka guud, waxbarasho sare oo aan deyn lahayn, iyo mid wax ka qabata dhibaatooyinka cimilada – isbeddelkaasna wuxuu ka billowdaa Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka.”

    Ilhaan Cumar ayaa 2-dii Febraayo laga saaray Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Wakiilada, kadib markii ay sidaas u codeeyeen xubnaha Jamhuuriga oo hadda ah aqlabiyadda Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaga ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    June 29, 2025

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    June 29, 2025

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025
    Latest Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.