Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ilhaan Cumar oo loo magacaabay Xubin sare oo G.Maaliyada Aqalka Wakiilada
    Somalia

    Ilhaan Cumar oo loo magacaabay Xubin sare oo G.Maaliyada Aqalka Wakiilada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 9, 2023Updated:June 9, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ilhaan Cumar ayaa loo magacaabay ku-xigeenka hoggaanka xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka. Guddigan ayaa mas’uul ka ah dejinta heerarka kharashka guud ee dowladda.

    Ilhaan, oo laga soo doorto gobolka Minnesota, ayaa horey xubin uga aheyd guddigan muddadii Congress-kii 116-aad.

    “Aad ayaan ugu faraxsanahay in asxaabteyda dimoqraadiga ay iigu codeeyaan ku-xigeenka xubinta ugu sarreysa Dimoqraadiga ee guddiga miisaaniyadda,” ayey tiri xildhibaan Cumar oo bayaan soo saartay.

    “Miisaaniyadaha waxay ka tarjumayaan qiyamkeena. Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay inaan ku biiro hoggaanka wanaagsan Brendan Boyle, si aan u hubinno inaan riixno miisaaniyado ay dadka u dub dhexaad u yihiin oo maalgeliya baahiyaha dadka Mareykanka,” ayey tiri.

    “Aad ayey sidii hore uga muhimsan tahay in loo dagaallamo miisaaniyado lagu maalgeliyo daryeelka caafimaadka guud, waxbarasho sare oo aan deyn lahayn, iyo mid wax ka qabata dhibaatooyinka cimilada – isbeddelkaasna wuxuu ka billowdaa Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka.”

    Ilhaan Cumar ayaa 2-dii Febraayo laga saaray Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Wakiilada, kadib markii ay sidaas u codeeyeen xubnaha Jamhuuriga oo hadda ah aqlabiyadda Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaga ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.