Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa fashiliyay Wajigii Labaad Ee dagaalka argagixisada waxa Xasan Shiikh ugu yeero?
    Somalia

    Maxaa fashiliyay Wajigii Labaad Ee dagaalka argagixisada waxa Xasan Shiikh ugu yeero?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 7, 2023Updated:August 7, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wajigii Labaad waxa kooxda Villa Somaliya ay ugu yeertay dagaalka argagixisada,wuxuu umuuqdaa mid fashilmay.

    Hadaba maxaa fashiliyay?

    1.Gudaha Wadanka?

    Looma diyaarin qorshe Qaran,loomana abaabulin si Qaran,

    Majirto Siyaasad Qaran oo lagu midaysan yahay iyo Ciidan Qaran,waana mid ka mid ah fashilka yimid.

    2.Dibada Wadanka?

    Waxaa la waayay ballanqaadkii BC ee ahaa Garabka ugu muhiimsan ee lagu xisaabtamayay.

    Indhihii caalamka,waxaa qaatay Niger iyo Galbeedka Afrika Afganbiyada kasoo cusboonaaday.

    Sidoo kale Haiti iyo hawlgalka Kenya hogaaminayso,ayaa jiitay taageeradii BC.

    Jabuti waxay sheegtay in ay diyaarisay 2000-Askari,balse Qalab iyo dhaqaale uma hayso.

    Itoobiya,waxay ku xisaabtantay dhaqaale uu bixin lahaa Imaaraadka oo la waayay iyo Maraykanka oo Qalab iyo Saad ay kaga dalbatay hawlgalka Somaliya,kuwaasoo la waayay iyagana.

    Xasan,waxaa horay uhaysatay fashilka Dowladnimo ee dhan walba ah ku dhawaad 2-Sano oo uu Villa-da fadhiyay…

    1.Musuqa iyo Boobka Hantida.
    2.Dayn Cafintii
    3.Qabyo tirkii Dastuurka.
    4.Qorshiihii Amniga Qaranka.
    5.Isku wadid la’aanta Labada heer ee Dowladnimimada Somaliya.

    Dagaalka argagixisada,waa guusha kaliya ee uu ka rajo qabay in ay uhirgasho oo uu lasoo Shir tegi lahaa.

    Waxaa xusid mudan Warbixinta Qodobaysan ee Road Map-ka leh ee ka timid Qaramada Midoobey,taasoo tilmaamaysa Wadada loo maro Dowladnimo sax oo caalamka la jaanqaadi karta.

    Xasan nafis Siyaasadeed,ayuu ka raadinayaa Dhuusamareeb iyo in uu Maalmo ku mashquuliyo Indhaha Shacabka Somalida iyo kuwa BC.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.