Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xarunta isgaarsiinta Booliska Puntland oo xariga laga jaray
    Somalia

    Xarunta isgaarsiinta Booliska Puntland oo xariga laga jaray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 18, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe : 18 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Xarunta cusub ee Isgaarsiinta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

    Madaxweynaha ayaa kormeeray xaruntan oo si casri ah u shaqeynaysa, lagana howlgeliyay hab isgaarsiin casri ah oo la iskula xiriirayo, wuxuuna warbixin ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska iyo saraakiisha shaqada gacanta ku haya ee u xilsaaran isgaarsiinta Booliska.

    Intaasi kadib, Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta Taliska Booliska, laamaha danbi baarista, Taliska Qeybta Gobolka Nugaal iyo xafiisyada kale ee Xarunta , wuxuuna Madaxweynuhu kulan qaatay oo warbixin ka dhegaystay, Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

    -DHAMMAAD-

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.