Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Weerar lagu qaaday Saldhig Ciidamada Cirka Pakistan leeyihiin
    Somalia

    Weerar lagu qaaday Saldhig Ciidamada Cirka Pakistan leeyihiin

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 4, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Milateriga Pakistan ayaa sheegay Sabtida maanta ah weerar ay malayshiyo hubaysan ku qaadeen saldhig lagu tababaro ciidamada cirka ee magaalada Mianwali ee bartamaha dalkaasi uu waxyeelo gaarsiiyay saddex diyaaradood, waxaana uu weerarku yimid maalin ka dib weeraro dhawr ah oo ka dhacay meelo kale oo dalka ka mid ah oo lagu dilay 22 qof, oo u badan askar.

    War ka soo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanku ay dileen saddex ka mid ah dableydii weerarka qaadday ka hor inta aysan gudaha u gelin saldhigga, ayna lix kale ku dileen iska-horimaad xigay. Waxa ay ciidanku sheegeen in “jawaab degdeg ah oo wax ku ool ah ay ciidamadu ku bixiyeen” si ay u fashiliyaan weerarka “argagixiso” iyo “hubinta amniga iyo ammaanka shaqaalaha saldhigga.”

    “Si kastaba, intii uu weerarku socday, waxaa sidoo kale dhacay burbur soo gaaray saddex diyaaradood iyo booyad shidaal” ayay ciidanku ku sheegeen bayaanka ay soo saareen.

    Koox cusub oo mintidiin ah oo lagu magacaabo Tehreek-e-Jihad Pakistan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Kooxda ayaa dhowr jeer oo hore weeraro qaraxyo ah ku beegsatay ciidamada ammaanka. Waxaa ka mid ahaa weerar bishii Luulyo lagu qaaday saldhig milatari oo ku yaal koonfur-galbeed gobolka Baluchistan oo lagu dilay 12 askari.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.