Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo ka shaqaynaya Qasa Falastiin midaysan oo Xamaar laga xoreeyay
    Somalia

    Maraykanka oo ka shaqaynaya Qasa Falastiin midaysan oo Xamaar laga xoreeyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 9, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka, Anthony Blinken ayaa Arbacadii shalay ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo mideysan., ka dib marka dagaalka hadda socdaa uu dhamaado. Arrintan ayaa ah tallaabo ay Falastiin dawlad buuxda ku noqon karto.

    Aragtidan dawladda Maraykanka ayaa sii soofeynaysa farqiga u dhexeeya Maraykanaka iyo Israel oo ay xulufo yihiin, marka laga hadlayo dhulka reer Falastiin, ka dib dagaalka Israel iyo Xamaas u dhexeeya.

    Hadalka Blinken ee la xiriira sida Maraykanku u arko tallaabada xigta ee Gaza ayaa sidoo horjoogsanaya haddalo saraakiisha midigta fog ee Israel iyo tagaareeyaashoodu ay maalmahan wareejinayeen. RWe Benyamin Natenyahu ayaa Isniintii la soo dhaafay sheegay in ay u badan tahay in militariga Israel uu amniga Gaza si abadi ah u maamuli doono, arrintaas oo walaac galisay dawladda Maraykanka.

    Blinken oo warfidiyeenka kula hadlaya isaga oo jooga dalaka Japan ayaa sheegay in qorshe kasta oo Gaza la xiriira, dagaalka ka dib, inuu ahaado maamul ay Falastiin hogaamiso oo Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza ay ku mideysan yihiin.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    September 26, 2025

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.