Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo booqday Dhaawacyada Ciidamada DIfaaca Puntland
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo booqday Dhaawacyada Ciidamada DIfaaca Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 6, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boosaaso: 06 February 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Isbitaalka ku booqday Ciidamada geesiyaasha ah ee kusoo dhaawacmay hawlgalka Argagixisada looga sifeynayo buuralayda, Calmiskaad ee Gobolka Bari.

    Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyay Ciidamada wuxuuna warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Caafimaadka iyo guddiga taakulaynta Ciidamada, wuxuuna faray in la dardargeliyo daaweyntooda si dhameystiran dalka iyo Hadii loo baahdoba dibadda .

    Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay geeesiyaasha Ciidanka Dowladda Puntland ee ku shahiiday hawlgalka , kuwaasi oo dhiigooda ku daahiriyey deegaanadii iyo dhulkii Argagixisada Daacish ku dhuumaalaysanaysay. Inta dhaawacantayna wuxuu Allaah uga baryaya in uu u boogga dhayo.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey dadaalka bulshada , hawlwadeennada Caafimaadka , Warbaahinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Wuxuu ku baaqay Madaxweynuhu in sidaasi loo sii wado isku duubnimada iyo wadajirka Dowlad iyo shacab taasi oo ah mid ay si gaar ah ugu amaananyihiin dadka reer Puntland.

    – DHAMMAAD-

    – XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.