Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo booqday Dhaawacyada Ciidamada DIfaaca Puntland
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo booqday Dhaawacyada Ciidamada DIfaaca Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 6, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boosaaso: 06 February 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Isbitaalka ku booqday Ciidamada geesiyaasha ah ee kusoo dhaawacmay hawlgalka Argagixisada looga sifeynayo buuralayda, Calmiskaad ee Gobolka Bari.

    Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyay Ciidamada wuxuuna warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Caafimaadka iyo guddiga taakulaynta Ciidamada, wuxuuna faray in la dardargeliyo daaweyntooda si dhameystiran dalka iyo Hadii loo baahdoba dibadda .

    Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay geeesiyaasha Ciidanka Dowladda Puntland ee ku shahiiday hawlgalka , kuwaasi oo dhiigooda ku daahiriyey deegaanadii iyo dhulkii Argagixisada Daacish ku dhuumaalaysanaysay. Inta dhaawacantayna wuxuu Allaah uga baryaya in uu u boogga dhayo.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey dadaalka bulshada , hawlwadeennada Caafimaadka , Warbaahinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Wuxuu ku baaqay Madaxweynuhu in sidaasi loo sii wado isku duubnimada iyo wadajirka Dowlad iyo shacab taasi oo ah mid ay si gaar ah ugu amaananyihiin dadka reer Puntland.

    – DHAMMAAD-

    – XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    October 21, 2025

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    October 21, 2025

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    October 21, 2025
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.