Labada Aqal mid,waa laga reebtay oo Aqalka sare Gudoomiyihiisii mahayo.
Gudigii Dastuurka Labada Aqal,waa laga kala jabiyay oo ku xigeenkii iyo xubno kale,ayaa banaanka ka istaagay.
Gudigii joogtada ahaa ee Baarlamaanka,waa laga kala jabiyay oo Sagaal baa banaanka ka istaagtay.
Wakiilada Sadex DG ee la socodka dastuurka,waa ka hor yimaadeen.
Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo Baarlamaanka ah,waxay udiyaarsan yihiin in ay ka hor yimaadaan haduu Berri keeno Baarlamaanka,waxaan heshiis lagu ahayn.
Deni iyo Axmed,waxay ka dagayaan Xalane,waxaana damaanad qaaday amaanka USA iyo UK.
Gudigii farsamada GMS Berri ayay tagayaan si hordhac ah Magaalada Muqdisho,waxayna wada xaajood lagalayaan gudiga DFS,iyagoo wada diyaarinaya hanaanka Shirku uqabsoomayo.
