Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?
    Puntland

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 23, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    8000-Askari oo ka mid ah Ciidamada Badda Maraykanka ,kuwooda ugu awooda badan,ayaa loo daabulay Bariga Dhexe.

    Sidoo kale diyaaradaha dagaalka ugu muhiimsan oo ay ku jiraan Apacha Helokobtar iyo B-A-10 Worthog,ayaa loo diray Gobolka.

    Qorshaha la diyaarinayo,waa Todobaadka Afraad oo lagu bartilmaameedsanayo Marinka Hormus iyo xarumaha Tamarta.

    Waxaa la qiyaasaa ugubadnaan Afar cisho oo diyaar garow ah kadib in ay suurtageli karto in Ciidamo Maraykan ah Dhulka Iran galaan.

    Hadii Marinka Hormus uu furo Trump,waxaa hoos udhacaya qiimaha Shidaalka caalamka,taasoo ka yaraynaysa cadaadiska oo usii sahlaysa in uu Todobaadyo kale sii wado dagaalka ka dhanka ah Wadaadada.

    Wadaadada fursada kaliya ee ay haystaan,waa in dagaalku dabadheeraado oo qaylada ka imaanaysa xulufada Maraykanku sababto in dagaalka la joojiyo.

    Sadexdii Todobaad ee lasoo dhaafay,waxaa lagu guulaystay in la diciifiyo awooda Gantaalada Wadaada,taasoo sahlaysa in diyaaradaha Maraykanku si wal wal la’aan ah uga hawlgalaan Hawada Iran,iyagoo taageeraya Ciidamada Dhulka ka hawlgalaya.

    Inkastoo ay Wadaadadu sheegteen in ay Gantaal la beegsadeen diyaarada aan caadiga ahayn ee F-35,mase jirto sheegashadooda cid xaqiijisay,waxaase jirta in Maraykanku sheegay in diyaaradaas ay si badqab ah ugu degtay mid ka mid ah Saldhigyada Mileteri ee Bariga Dhexe ee Maraykanka.

    F-35 oo Raadaaradu aysan qaban karin in Gantaal lala eegto,waxay ka dhigaysaa markii ugu horaysay oo waxyeelo la gaarsiiyo diyaarad noocaas ah haday dhab noqoto.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wasiirka Caafimaadka Puntland oo magacaabay Gudiga Xirfadlayaasha Caafimaadka.

    May 7, 2026

    Halkee marayaa hawlgalka sifaynta haraadiga argagixisada Calmiskaad?

    May 6, 2026

    Shacabka Puntland waa in ay toos udoortaan Madaxweynaha 2029

    May 6, 2026
    Latest Posts

    Wasiirka Caafimaadka Puntland oo magacaabay Gudiga Xirfadlayaasha Caafimaadka.

    Halkee marayaa hawlgalka sifaynta haraadiga argagixisada Calmiskaad?

    Shacabka Puntland waa in ay toos udoortaan Madaxweynaha 2029

    Halkee marayaa dhusmaha Santuukh horumarinta Puntland?

    Puntland oo dhisanaysa Bankiga horumarinta iyo maalgashiga

    Boosaaso oo heshay soo kabasho dhaba iyo rajo mustaqbal oo ifaya

    Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray garoonka Kubada Cagta Bosaso

    Qaramada Midoobay oo soo dhawaysay Gogosha Xasan Shiikh dhigay

    Wefti sare oo ku wajahan Bosaso maalmaha soo socda

    Faallo:-Ma tahay in la tago Gogosha Xasan dhigay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.