Xildhibaanada Labada Aqalka ee Baarlamaanka Fadaraalka,ayaa si adag uga hor yimid waxkabadalka dastuurka Cutubyadiisa 5- aad iyo 9-aad.
Buuq iyo sawaxan,ayaa hareeyay Baarlamaanka fadhigiisii maanta,wuxuuna kusoo gabagaboobay Fawdo.
Halka Gudoomiye Aadan Madoobe uu ku dhawaaqay si iskiis ah in la qaybiyay nuquladii dastuurka ee wax laga badalayay,wuxuuna sheegay in Sabtida layskugu soo laabanayo akhrinta kadib.
Xildhibaanada mucaaradka ah,ayaa dhankooda diyaarsaday mooshin ay ku saxiixeen oo ay xilka uga qaadayaan gudoomiye Aadan Madoobe.
Baarlamaanka,ayaa mudo xileedkiisu dhamaaday,waana fadhigii ugu danbeeyay fadhigan maanta fashilmay.
