Maqaam sare oo karaamo wata,ayaa lagu soo dhaweeyay Boqorka Aduunka xorta ah King Charles.
Maraykanka oo aan ukala harin soo dhaweyntiisa,ayaa muujiyay xushmad iyo qadarin aan caadi ahayn.
Booqasahada Boqorka,waxay kusoo beegantay xuska 250 guuradii kasoo wareegtay Maalinkii Xoriyada la siiyay Maraykanka iyo 25 guuradii weerarkii 9/11.
1991 ayay Hooyadii Queen Elizabeth booqashadan oo kale ku timid Maraykanka.
Markaad daawato sida loo karaamaynayo,waxaa ogaanaysaa in Labada Wadan uu ka dhaxeeyo xiriir dhalasho,Diimeed,Dhaqan marka siyaasada,amniga iyo dhaqaalaha laga soo tago.
Booqashadan,waxay aduunka tustay si walba oo Maraykanka iyo Uk ay ugu kala aragti duwanaadaan siyaasadaha qaarkood hadana in ah jiraan wax ka weyn oo ka dhaxeeya.
