Mid ka mid ah ujeedooyinkii qarsoonaa ee loo qaaday hawlgalka ka dhanka ah Wadaadada Iran,ayaa hirgalay.
Ujeedadaas,ayaa ahayd in la curyaamiyo kobaca dhaqaalaha Shiinaha.
Qiimaynta ay sii daayeen kastamyada Shiinaha,ayaa sheegaysa in hoos udhac weyn uu ku dhacay soo dhoofsashada shidaalka ee shiinaha.
“Hoos udhicii ugu weynaa soo dhoofsashada Tamarta Afartii Sano ee ugu danbeeyay,ayuu Shiinuhu wajahayaa,isagoo lumiyay 20%”.
Hoos udhaca soo dhoofsashada Saliida ee Shiinaha,waxaa sababay dagaalka Iran iyo xirnaanshaha Marinka Hormus.
Helida Tamarta markay ciriiri gasho,waxaa dhacaya…..
1.Kor ukac qiimaha Tamarta ku yimaada.
2.Kor ukacuna,wuxuu sababayaa nolosha oo qaaliyowda iyo in ay Warshaduhu shaqada yareeyaan.
3.Warshaduhu markay shaqada yareeyaana,waxaa hoos udhacaya wax soo saarka.
4.Wax soo saarku markuu yaraado suuqa shaqada,ayaa diciifaya.
5.Markay shaqadu yaraato,waxaa hoos udhacaya wax iibsiga Dadka.
6.Wax haynta dadku markay yaraato,waxay toos usaamaynaysa kobaca dhaqaalaha.
Maraykanka yoolashiisa,waxaa ka mid ah in uu maamulo oo ay isaga Gacanta ugu jiraan Ilaha iyo marinada Tamarta Aduunka.
