WAR-SAXAAFADEED
Garoowe June 09, 2026: Ciidanka Booliska Puntland wuxuu shacabka ka raalli gelinayaa falkii qalalaasaha watay ee ka dhacay caasimadda Garoowe June 07, 2026, kadib markii koox ka tirsan Ciidanka Booliska Birmadka ay si sharci darro ah u hakiyeen isku socodka gaadiidka, una carqaladeeyeen amniga iyo kala dambeynta.
Taliska Ciidanka Booliska wuxuu si cad u sheegayaa in dhacdadaasi aysan matalin nidaamka, anshaxa iyo waajibaadka Ciidanka Booliska, balse ay ahayd fal abaabulan oo ay ku lug lahaayeen gacmo dano gaar ah leh, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa dhaawaca sumcadda ciidamada iyo suurad xumeynta Dawladda.
Waxaa maanta la xiray 18 askari oo ku eedeysan falkaas, iyadoo baaritaanno rasmi ah ay socdaan. Taliska Ciidanka Booliska wuxuu xaqiijinayaa in eedeysanayaasha la horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Ciidanka Booliska Puntland wuxuu sidoo kale u rajeynayaa Ciidanka Birmadka soo kabasho iyo dib u soo celinta sumcaddii dhaawaca gaartay kadib falkii ka dhacay Garoowe.
Ciidanka Booliska Puntland wuxuu mar kale adkeynayaa in ilaalinta amniga iyo kala dambeynta ay yihiin waajibaad dastuuri ah, isla markaana aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo lid ku ah xasilloonida dalka.
— DHAMMAAD —
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland
☎️ Emergency: 999
📧 Email: media@police.pl.so
🌐 Website: www.police.pl.so
🐦 Twitter: @Plpoliceforce
