Madaxweyne Donald J. Trump ayaa guul weyn ka gaaray sharci muhiim ah oo saameyn kara kumannaan Soomaali ah oo ku nool Mareykanka.
Allison Burroughs, oo Garsoore ka ah Maxkamad Federaal oo ku taal Boston ayaa qaaday hakin horey loogu sameeyay in maamulka Trump uu soo afjaro Barnaamijka TPS-ka (Temporary Protected Status), oo wh ilaalin ku-meel-gaar ah oo u ogalaanaya dadka dalal xaaladaha adag ka jiraan in aan masaafurin Mareykanka.
Kumannaan Soomaali ah ayaa heysta TPS, balse aan haysan sharci kale oo ay ku joogi karaan Mareykanka, waxaana ay mar kasta halis ugu jiri karaan in laga masaafuriyo Mareykanka.
Joojinta Barnaamijka TPS ayaa horey hakin loogu sameeyay, kaddib dacwad ay keeneen afar Soomaali ah iyo labo urur oo u dooda xuquuqda muhaajiriinta. Maamulka Trump ayaa bishii January sheegay inuu doonayo inuu joojiyo TPS-ka Soomaalida, isagoo ku dooday in xaaladda Soomaaliya ay ku filan tahay in ilaalintaas la soo afjaro.
IDILNEWS
