Dagaal culus ayaa ka bilowday magaalada Baydhabo, kaas oo u dhexeeya Ciidan taabacsan Cabdicasiis Laftagareen oo saaka la wareegay qeybo kamid ah xaafadaha Baydhabo iyo Ciidanka maamulka Xassan Shiikh oo magaalada ku haya Aadan Madoobe oo bilo kahor laga dhigay Madaxweynaha KGS.
Wararka ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kaddib markii Ciidanka Laftagareen ay bilaabeen in ay isku sii fidiyaan goobaha muhiimka ah ee Baydhabo, daryanka hubka culus ayaa laga maqlayaa magaalada.
Afhayeenka maamulkii Laftagareen ayaa sheegay in magaalada ay ka qabsadeen maamulka Dowladda Salbalaar oo afar bilood ka haystay, waxaana uu ugu baaqay shacabka KGS in ay Ciidamadooda la shaqeeyaan.
Faahfaahin kala soco Idilnews.
IDILNEWS
