Madaxweynaha Puntland, H.E Said Abdullahi Deni ayaa ku wajahan degmooyinka dhaca bariga gobolka Mudug, isagoo xarig jar ku sameyn doona jambiga C ee Dekedda Garacad.
Madaxweyne Deni ayaa kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan bulshada, isagoo dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed.
Diyaar-garowga soo dhaweynta Madaxweyne Deni ayaa si weyn uga socota deegaanada dhaca Waddada wadaagsin ee tagta Garacad. Shacabka ayaa si xamaasad leh u doonaya socdaalka Bariga gobolka Mudug ee Madaxweynaha Puntland.
IDILNEWS
