Degmooyinka Gaalkacyo, Buraan, Eyl iyo Bareedo ayaa ku guuleystay mashruuca Bulsho, oo ka shaqeeya horumarinta degmooyinka iyo maamul-daadajinta, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland.
Wasaaradda ayaa sheegtay in codsiga ka qeyb noqoshada mashruuca Bulsho, ay soo gudbisteen 19 degmo, halka 16 degmo aysan wax codsi ah soo gudbisan.
Afarta degmo ee helay mashruuca ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland sheegtay in ay buuxiyeen shuruudaha ku xirnaa ka qeyb noqoshada mashruuca Bulsho.
“Degmooyinka waxay soo kala xereeyeen xirmooyinka A, B iyo C waxaana lagu kala saaray shuruudaha loo dejiyey ee ku cad Haga Fulinta Mashruuca (POM). Sidaa awgeed waxaa ku Guulaystay Degmooyinka. Xirmada A waxaa ku Guulaystay Degmada Buraan, Xirmada B waxaa ku Guulaysatay Degmooyinka Bareed iyo Eyl, Xirmada C waxaa ku Guulaystaya Degmada Gaalkacayo” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.
IDILNEWS
