Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray goobaha ay biyuhu fariistaan ee bartamaha magaalada Gaalkacyo, oo ay ka socoto shaqo isugu jirta baneyn iyo dumin dhismayaal si loo sameeyo marin-biyoodyo ay biyuhu maraan. Waxaan goobahan hore u calaamadeeyey injineerro baaritaanno ku sameeyey dhulka iyo marinnada biyaha ee magaalada Gaalkacyo.
Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in Madaxweynuhu xog-ogaal u noqdo shaqada iyo qorshaha biyo-saarka magaalada. Waxaana uu warbixinno ka dhegaystay guddoonka gobolka, maamulka degmada iyo taliska qaybta, kuwaas oo ku sugnaa goobaha ay ka socdaan hawlaha duminta iyo furista marin-biyoodyada.
Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada iyo hay’adaha ay khusayso inay ka qayb qaataan mashaaruucaan biyo-saarka Gaalkacyo, si loo helo magaalo nadiif ah oo leh hannaan biyo-saar oo casri ah, lana jaanqaadaysa dunida horumartay.
IDILNEWS
