Madaxweynaha Puntland, H.E Said Abdullahi Deni ayaa saaka u amba-baxay socdaal uu ku marayo degmooyinka iyo deegaanada Barriga gobolka Mudug, waxaana goor-dhaweyd si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka Jeexdin.
Socdaalka Madaxweynaha oo qaadan doona maalmo, ayaa la xiriira u kuurgalida xaalada bulshada ku dhaqan degmooyinka Barriga Mudug, waxaana uu xariga ka jari doonaa mashaariic horumarineed, isagoo dhagax dhigi doona mashaariic cusub.
Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah u xarig jari doona jambi cusub oo lagu daray Dekedda Garacad, kaas oo ay maalgalisay Dowladda Puntland.
Inta uu ku sugan yahay Barriga gobolka Mudug, Madaxweyne Deni la kulmi doona bulshada deegaanada iyo degmooyinka uu marayo ee Jariiban iyo Towfiiq, waxaana uu ka dhageysan doonaa baahiyahooda, isagoona ku dhawaaqi doona fulinta mashaariicyo taabanaya mustaqbalka iyo nolasha deegaanadan.
Idilnews
