Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni ayaa caawa ku hoyday deegaanka Balli-busle ee degmada Jariiban, oo kamid ah deegaanada baaxada leh ee dhaca Barriga gobolka Mudug.
Deegaanka Balli-busle ayaa taariikh ahaan udub dhexaad u ahaa xaqiijinta amniga Waddada Wadaagsin ee xiriirisa deegaanka Garacad oo hadda laga hirgeliyay Dekedda labaad ee Puntland iyo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Madaxweyne Deni ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland ee ku hoyda deegaanka Balli-busle, waxaana loogu sameeyay maanta mid kamid ah soo dhaweynadeen u ballaarnaa ee socdaalkiisa Barriga gobolka Mudug.
Bulshada deegaanka ayaa ka dalbaday Madaxweyne Deni in Balli-busle laga dhigo degmo, Madaxweynaha oo caawa la hadlayay bulshada deegaanka ayaana qiray in Balli-busle ay ka dad badan tahay degmooyin Puntland.
Guud ahaan socdaalka Madaxweynaha Puntland ee degmooyinka Barriga gobolka Mudug ayaa durbaba abuuray hadal-hayn ballaaran, isagoo soo jiitay dareenka shacabka Puntland iyo dhammaan Soomaalida oo aan si weyn u aqoon dhulkan ballaaran ee Madaxweyne Deni marayo, iyadoo deegaan walba ay kunool yihiin kumanaan dad ah, kuwaas oo caleemo qoyan kusoo dhaweynaya Madaxweynaha.
IDILNEWS
