Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay yihiin maleeshiyaadka la wareegay Marka ?
    Somalia

    Maxay yihiin maleeshiyaadka la wareegay Marka ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 23, 2026Updated:August 23, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maleeshiyaad hubeysan ayaa qabsaday degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose, kuwaas oo kasoo horjeeda maamulka Aadan Madoobe hoggaaminayo ee Koonfur Galbeed.

    Dableyda oo kasoo jeeda Beesha Biyo-maal oo degta Marka iyo deegaano hoostaga, ayaa sheegaya in taabacsan yihiin maamul dhowaan looga dhawaaqay deegaanka, kaas oo lagu magacaabo Koonfur-Bari.

    Boqollaal shacab ah ayaa isugu soo baxay magaalada Marka, kuwaas oo taageersan maleeshiyaadka qabsaday Marka, oo hada gacanta ku haya xarunta maamulka degmada, saldhiga Booliska iyo goobo kale oo Marka ku yaal.

    Magaalada Marka ayaa ah magaalo xasaasi ah, waxaana kusoo noqnoqda dagaalo siyaasadeed, xilli dhowaan maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh lagu eedeeyay in uu doonayo in colaad uu ka abuuro deegaanka, isagoo hubeynaya mid kamid ah beelaha ku dagaalamaya Marka.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    DEGDEG: Puntland oo qabatay Doonyo Iran iyo 60 shaqaale ah oo saarnaa

    October 14, 2026

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    October 13, 2026

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    October 12, 2026
    Latest Posts

    DEGDEG: Puntland oo qabatay Doonyo Iran iyo 60 shaqaale ah oo saarnaa

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro

    Nin Dil iyo dhaawac ka geystay Suuqa Garoowe oo gacanta lagu dhigay

    SANAAG: Puntland oo go’aano Amni kasoo saartay Badhan, kaddib baaqii Suldaan Siciid

    Sagal Cabdi-Wali oo loo doortay Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka UK

    Gollaha Wasiirada Puntland oo 3 arrimood ka wada-hadlay

    XOG: Xassan Shiikh oo diyaariyay weerar ka dhan ah Shariif iyo Kheyre

    Itoobiya oo ku eedeeysay Xassan Shiikh ‘in uu khiyaamay’










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.