Turkey ayaa goor-dhaweyd duqeyn la beegsatay saxiimad ay saarnaayeen dad kalluumeysato ah, kuwaas oo ku sugnaa xeebta deegaanka Jiifle ee gobolka Nugaal.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Tirada kalluumeysatada saarnayd saxiimada, dadka deegaanka ayaa ku warramaya in ay gaaraayeen ilaa 9 qof, kuwaas oo dhammaantood duqeynta lagu dilay.
Deegaanka duqeyntu ka dhacday oo hoostaga degmada Eyl, ayaa horey loogu haystay maraakiib ay soo afduubteen Burcad-badeeda, waxaana kamid ah markab Turkey u raran oo u socday Muqdisho.
Dowaldda Puntland ayaa horrey uga digtay duqeymaha aan loo meel dayin ee ka dhaca xeebaha Puntland, iyadoo ka dalbatay Saaxiibada caalamiga ah ee kala howlgalla amniga xeebaha Puntland in ay soo cadeeyaan cidda ka dambeeysay duqeyn Maalmo kahor ka dhacday xeebta deegaanka Garmaal, oo lagu dilay afar Ruux.
𝐅𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐨 𝐈𝐝𝐢𝐥𝐧𝐞𝐰𝐬
IDILNEWS
