Dugsiyada Waxbarashada Puntland ayaa maalinta berri ah fasax la geliyay, Munaasabadda Xuska dhalashada Nebi Muxammed (NNKH) oo ku beegan berri oo Talaado ah darteed.
12 bisha Rabiicul Awal, ayaa sanad kasta dunida Islaamka laga xusaa munaasabadda dhalashada suubanaheena Nebi Muxammed (NNKH), iyadoo deegaanada Puntland iyo guud ahaan dhulkan Soomaalida ay isugu soo baxaan kumanaan shacab ah, kuwaas oo weynaynaya maalinta fadliga leh.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa loogu hambalyeeyay shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaalida Xuska maalita qiimaha iyo fadliga badan.
“Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan maamulka, macallimiinta, shaqaalaha iyo ardayda xarumaha waxbarashada in Talaadada, 25-ka Agoosto 2026, oo ku beegan 12-ka Rabiicul Awal 1448 Hijriyada, ay tahay maalin fasax ah, munaasabadda Maalinta Dhalashada Nabigeenna Suubban Maxamed Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee.”
“Wasaaraddu waxa ay dhammaan bulshada Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyaynaysaa munaasabaddan qiimaha iyo fadliga badan.”
IDILNEWS
