Idil News ayaa baaritaan ku samaysay wararka been abuurka ah ee sheegaya in caasimadda gobolka sanaag ee Badhan loo diiday in lagu aaso Marxuum Yuusuf Jibriil oo dhowaan Nayroobi ku geeriyooday.
Isimadda, Nabdoonada iyo qaybo ka mid ah Saraakiil kana soo jeeda qoska marxuumka ayaa noo xaqiijiyay in ay tahay warar been abuur oo sal iyo raad toona lahayn, Marxuumkana aan loo diidin in lagu aaso caasimadda Badhan.
Sababta keentay in Cabdirashiid uu Mareegtii baraha bulshada ugusoo qoro in Laascaanood lagu aaso Marxuum in ay qayb ka tahay kadib markii uu Abwaaan Cabdirashiid codsaday in uu Badhan la imaanayo kooxo argagaxiso ah Bariga-Sool, lagana diiday.
Idil News oo uu la hadlay Sarkaal sare oo ka tirsan qoyska reer Cawl ayaa yidhi;
“Cabdirashiid waa muwaadin reer Puntland wuuna imaan karaa badhan, Laascaanooda uu joogana waxa ay ka tirsan tahay Dawladda Puntland balse lagama yeeli karo in aaska marxuumka uu kooxo ku soo dhex tahriibiyo, maahan mid laga yeeli karo Suldaankuna uma diidin Dowladduna uma diidin.
IDILNEWS
