Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Muxuu ku dhisan yahay xiriirka Imaaraadka iyo Puntland?
    Somalia

    Faallo:-Muxuu ku dhisan yahay xiriirka Imaaraadka iyo Puntland?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 29, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Imaaraadka iyo Puntland,waxaa ka dhaxeeya qadiyo waa weyn oo kala ah…..

    1.Nidaamka baahsan ee awoodaha heerarka kala duwan ah oo ay ka siman yihiin PL iyo Imaaraadka.

    1. Juquraafiga halka ay ku kala yaalaan.
    2. Amniga oo ay khataro badan ka midaysan yihiin.
    3. Diinta iyo dhaqanka oo ay wadaagaan in badan.

    5.Ganacsiga iyo dhaqaalaha oo ay isku xiran yihiin taariikhiyan.

    Imaaraadku,wuxuu maalgashanayaa quluubta Shacabka Puntland ee ma maalgashanayo shaqsi.

    Tusaale?

    Wuxuu taageeraa amniga,Kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga iyo adeega Bulshada Puntland.

    Muhiimada Imaaraadku mahan siyaasiga Kursiga ku fadhiya ee dhamaan Madaxdii PL soo wada martay,waa la shaqeeyay,isla markaana faragelin qaawan kuma sameeyo doorashada Puntland.

    Deni iyo Imaaraadka?

    Mw Deni taageerada Imaaraadka ee PL,wuxuu ka dhigay mid shaqsiyadeed oo isaga ku kooban….

    1. Wuxuu badalay Wakiilkii PL ee Imaaraadka Safiya Basey oo ahayd Gabar saamayn ku lahayd Wadankaas markii la doortay,wuxuu booskii gaystay Walaalkii Xasan Deni,wuxuuna uga dan lahaa cid kale in aysan wax ka ogaan arimaha Imaaraadka.
    2. Wuxuu badalay Agaasimihii Ciidamada Bada,isagoo meesha ka saaray Talyihii Ciidamada oo maamulkii iyo hogaamintii Ciidanka,wuxuu uwada dhiibtay Wiil ay Ilmo adeer yihiin oo aan lahayn khibrad Ciidan habayaraatee,isla markaana adeegii Saadka Ciidamada oo ay haysteen Shirkado gaar loo leeyahay,isaga,ayaa qaatay oo Shirkado usamaystay.
    3. Solarkii Korontada Bosaso ee Imaaraadku ugu deeqay Magaalada,isaga,ayaa qaatay Mw Deni oo ka dhigtay Shirkad gaar loo leeyahay.
    4. Madaxtooyada Puntland,waxay ka heshaa Imaaraadka Kabid Miisaaniyadeed cid la og Mw Deni majirto oo laguma muujiyo Miisaaniyada.
    5. Dekeda iyo garoonka Bosaso Shirkad ahaan,ayuu ula galay heshiiska Mw Deni ee ulama gelin Dowlad ahaan lamana hor keenin Baarlamaanka.
    6. Hawlgalka Calmiskaad,waxay Imaaraadku ku bixiyaan si Maalinle ah $15 ×4000- Askari ,mana jirto cid la og oo Miisaaniyada kuma jirto.
    7. Booliska horumarintiisa,waxay ku bixiyaan Imaaraadku Malaayiin Dolar mana jirto cid la og Mw Deni oo Miisaaniyada kuma jirto.
    8. Ciidanka Badda,waxay Imaaraadku ku bixiyaan Sanadkii $30-Milyan mana jirto cid la og oo Miisaaniyada kuma jirto.

    Gunaanad:-

    Imaaraadku,waa og yahay waxa socda,waxaana aad udhibaya Laba qodob oo kala ah….

    B. Xiriir la’aanta Mw Deni ee Bulshada iyo haldoorka PL.

    T. Xiriirkoodii oo Deni ka dhigay mid shaqsi oo Dadkii reer PL ay usii arkayaan in ay Nin garabgalayaan ee aysan garab galayn Puntland.

    Imaaraadku mid,waa ku faraxsan yihiin,taasoo ah daacadnimada Deni ee gaarsiisan 100%.

    Haatan,waxay bilaabeen in ay toos ula xiriiraan haldoorka reer PL oo ay ka shaqeeyaan Deni in aysan la dhiman sidii ku dhacday Qatar oo la dhimatay Fahad iyo Farmaajo.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugandha oo dhawaan bilaabaysa dadaal dhexdhexaadin ah

    November 29, 2026

    Faallo:-Hadafyada iyo loolanka Turkiga iyo Imaaraadka Ee Somaliya?

    November 29, 2026

    Pakistaan iyo Turkiga oo kusoo biiray dagaalka Xuutiyiinta

    November 29, 2026
    Latest Posts

    Ugandha oo dhawaan bilaabaysa dadaal dhexdhexaadin ah

    Faallo:-Hadafyada iyo loolanka Turkiga iyo Imaaraadka Ee Somaliya?

    Faallo:-Muxuu ku dhisan yahay xiriirka Imaaraadka iyo Puntland?

    Pakistaan iyo Turkiga oo kusoo biiray dagaalka Xuutiyiinta

    Hogaamiyaha Midowga Afrika oo Xasan Shiikh ka qaatay Laaluush

    Faallo:-Loolanka Imaaraadka iyo Turkiga Ee Somaliya?!!.

    The Hidden Hand Behind the AU Peace and Security Council’s Endorsement of Sham Elections

    Turkiga oo joojiyay baaristii Shidaalka Galmudug Ee Koonfurta Somaliya

    Faallo:-Yaa ka danbeeya kicinta Shacabka Garowe?

    Qurba-joogta Gobolka Mudug oo muujiyay Wadaniyad iyo waxqabad










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.