Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Danjire Tarsan “Guri la,aan ayaan ku ahay Nairobi, dhaqaalana ma heysto” (Daawo)
    Puntland

    Danjire Tarsan “Guri la,aan ayaan ku ahay Nairobi, dhaqaalana ma heysto” (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 12, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    NAIROBI (IDIL NEWS)-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Nuur Tarsan, ayaa shaaca ka qaaday in safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya aysan lahayn wax miisaaniyad ah, oo ku filan.

    Tarsan oo wareysi siiyey Taleefishinka Universal, ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaqaale ah oo ku filan oo lagu socodsiiyo howlaha safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

    Sidoo kale, Danjire Tarsan ayaa intaas ku daray, in inta badan ay isku dabaraan lacagta laga helo baasaboorka Soomaaliga ee ay u sameeyaan dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka Kenya, Isagoona qiray in xitaa uusan haysan guri uu dego oo uu ku noolaado safiir ahaan.

    “Aniga laba qol inta aan ka dhex dhisto safaaradda waan degi karaa, balse taas sharaf maaha, safiirka wuxuu u baahan yahay guri karaamo leh, oo uu ku casuumi karo safiirada sida isagaba loo casuumo” ayuu yiri Tarsan.

    “Aniga oo safiir ah ma waxaan dhex degaa laba qolo oo apartment ah, waxaas ma sharaf baa, haddii ninkii ugu sarreeyey waddankan uu yahay homeless (guri la’aan) waa dhibaato” ayuu yiri.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/universalsomalitv/videos/2059502494342584/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.