Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Xaafiisyada Madaxtooyadda (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Xaafiisyada Madaxtooyadda (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa kormeeray xafiisyada Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, oo ay ku sugnaayeen saraakiisha xafiisyada.

    Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo uu booqashada ku wehelinaayey Agaasimaha Shaqada iyo shaqaalaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Ciise Maxamuud Cumar, ayaa u kuurgalayey qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayada iyo saraakiisha xafiisyaduba, isla markaana waxa uu korjoogteeyey habsami u socodka qaab dhismeedka shaqda Madaxtooyada Dowladda Puntland.

    Kusimaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Puntland Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland uu ku sameeyey xafiisyada Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe.

    “Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay Feebaraayo 20. 2019 Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan kormeeray xafiisyada Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa kormeerka ku wehelinaayey Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Madaxtooyada, Madaxweynuhu waxaa uu kormeerkiisa uga gollahaa korjookteynta shaqada xafiisyada sida ay u socoto, Madaxweyne ku-xigeenku mid mid ayuu u galay xafiisyada waxaana uu shaqalaha ku booriyey shaqada adag ee ay hayaan”.Ayuu yiri kusimaha Agaasimaha xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada.

    “Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa kula dardaarmay shaqaalaha inay si wanaagsan oo wadaniyadi ku jirto uga soo dhalaalaan shaqada muhiim ka ah ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkoodaba”. Ayu yiri Agaasimuhu

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/322873121692714/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.