Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo la kulmay Agaasimayaasha Guud Iyo Guddoomiyeyaasha Hay’addaha (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo la kulmay Agaasimayaasha Guud Iyo Guddoomiyeyaasha Hay’addaha (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 20, 2019Updated:February 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyeyaasha hay’addaha madaxa bannaan ee Dowladda Puntland.

    Kulankan uu Madaxweynaha Puntland la qaatay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyeyaasha hay’addaha madaxa banaan ee Dowladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

    Agaasimaha Guud ee Tiifiiga iyo Idaacadda Dowladda Puntland Jamaal Carab Yuusuf oo kulanka qayb ka ahaa ayaa ka warbixiyey kulanka.

    “Galabta waxaa shir iskugu yimid Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha madaxa banaan ee dowladda Puntland iyo sidoo kale Guddoomiyeyaasha Hay’addaha madaxa banaan, shirkaas oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), waxa uu ahaa isbarasho maadaama uu ahaa shirkii ugu horreeyey intii Madaxweynaha iyo Madxaweyne ku-xigeenka la doortay ay la qaataan Agaasimayaasha guud ee Dowladda.

    “Isbarasho iyo is xog wareysi guud waxaa warbixino laga dhagaystay Hay’addaha madaxa bannaan dhammaantood, iyaga oo soo bandhigay waxqabadkoodii iyo wixii caqabad ah oo jira, waxaa loo balamay kulan labaad in Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha laga dhegaysan-doono waxqabadkooda”. Ayuu yiri Agaasimaha WarbaahinDowladda Puntland.

    Halkan ka Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/399642980607084/

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.