Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo la kulmay Agaasimayaasha Guud Iyo Guddoomiyeyaasha Hay’addaha (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo la kulmay Agaasimayaasha Guud Iyo Guddoomiyeyaasha Hay’addaha (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 20, 2019Updated:February 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyeyaasha hay’addaha madaxa bannaan ee Dowladda Puntland.

    Kulankan uu Madaxweynaha Puntland la qaatay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyeyaasha hay’addaha madaxa banaan ee Dowladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

    Agaasimaha Guud ee Tiifiiga iyo Idaacadda Dowladda Puntland Jamaal Carab Yuusuf oo kulanka qayb ka ahaa ayaa ka warbixiyey kulanka.

    “Galabta waxaa shir iskugu yimid Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha madaxa banaan ee dowladda Puntland iyo sidoo kale Guddoomiyeyaasha Hay’addaha madaxa banaan, shirkaas oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), waxa uu ahaa isbarasho maadaama uu ahaa shirkii ugu horreeyey intii Madaxweynaha iyo Madxaweyne ku-xigeenka la doortay ay la qaataan Agaasimayaasha guud ee Dowladda.

    “Isbarasho iyo is xog wareysi guud waxaa warbixino laga dhagaystay Hay’addaha madaxa bannaan dhammaantood, iyaga oo soo bandhigay waxqabadkoodii iyo wixii caqabad ah oo jira, waxaa loo balamay kulan labaad in Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha laga dhegaysan-doono waxqabadkooda”. Ayuu yiri Agaasimaha WarbaahinDowladda Puntland.

    Halkan ka Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/399642980607084/

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.