Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Axmed Madoobe oo Guddoomiyay Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo Guddoomiyay Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 21, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulanka golaha Wasirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan oo muhiim ah.

    Ugu horayn Arimaha Amniga iyo Siyaasada ayuu Madaxweynahu golaha uga warbixiyay iyo sida ay tahay xaalada Nabadgalyada deeganada Jubbaland ee xorta ah iyo sidii Hay’adaha ku shaqada leh ay usii adkayn lahayeen.

    Gudiga Dakhliga ayaa laga dhagaystay warbixin la xiriirta sida ay u socdaan howlaha dakhliga iyo caqabadaha ilaa hada jira iyadoo golahu uu bogaadiyay dadaalka gudigan isla markana la isku raacay in lasii laba jibaaro shaqada.

    Waxaa kale oo golahu uu warbixin ka dhagaystay Wasaarada Caafimaadka iyadoo Xubno Wasaarada katirsan oo uu hogaaminayo WasiIr ku xigeenka Waasarada ay howlo shaqo u joogan Goboolka Gedo waxaa sidoo kale Wasaaradu ay soo bandhigtay hanaanka fidinta Adeegyada Caafimaad iyadoo Xarumo Caafimaad laga hirgalinayo dhamaan deeganada ay dadweynahu ku noolyahiin ee xorta ah gaar ahaan waxaa qorshahan lagu bilaabaya Deeganada Waqooyiga iyo aaga joore si dadka halkaas ku nool ay u helaan adeegyo dhamaystiran.

    Wasaaradu waxaa kale oo ay hirgalinaysa Xarumo lagu dabiibo Hooyada iyo Dhalaanka kaas oo laga hirgalinayo qaybtiisa ugu horaysa deegaanka Buulo Guduud.

    Wasaaradaha Kaluumaysiga Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha ayaa iyaguna sharaxaad dheeri ah ka bixiyay shirar iyo kulamo ay maalmahii lasoo dhaafay la yeesheen Hay’adaha iyo dhinacyada ay wada shaqaynta la leeyahiin taas oo ku saabsan sidii howlaha shaqo ee ka dhexeeya loo dardar galin lahaa.

    Daawo.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.