Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Axmed Madoobe oo Guddoomiyay Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo Guddoomiyay Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 21, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulanka golaha Wasirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan oo muhiim ah.

    Ugu horayn Arimaha Amniga iyo Siyaasada ayuu Madaxweynahu golaha uga warbixiyay iyo sida ay tahay xaalada Nabadgalyada deeganada Jubbaland ee xorta ah iyo sidii Hay’adaha ku shaqada leh ay usii adkayn lahayeen.

    Gudiga Dakhliga ayaa laga dhagaystay warbixin la xiriirta sida ay u socdaan howlaha dakhliga iyo caqabadaha ilaa hada jira iyadoo golahu uu bogaadiyay dadaalka gudigan isla markana la isku raacay in lasii laba jibaaro shaqada.

    Waxaa kale oo golahu uu warbixin ka dhagaystay Wasaarada Caafimaadka iyadoo Xubno Wasaarada katirsan oo uu hogaaminayo WasiIr ku xigeenka Waasarada ay howlo shaqo u joogan Goboolka Gedo waxaa sidoo kale Wasaaradu ay soo bandhigtay hanaanka fidinta Adeegyada Caafimaad iyadoo Xarumo Caafimaad laga hirgalinayo dhamaan deeganada ay dadweynahu ku noolyahiin ee xorta ah gaar ahaan waxaa qorshahan lagu bilaabaya Deeganada Waqooyiga iyo aaga joore si dadka halkaas ku nool ay u helaan adeegyo dhamaystiran.

    Wasaaradu waxaa kale oo ay hirgalinaysa Xarumo lagu dabiibo Hooyada iyo Dhalaanka kaas oo laga hirgalinayo qaybtiisa ugu horaysa deegaanka Buulo Guduud.

    Wasaaradaha Kaluumaysiga Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha ayaa iyaguna sharaxaad dheeri ah ka bixiyay shirar iyo kulamo ay maalmahii lasoo dhaafay la yeesheen Hay’adaha iyo dhinacyada ay wada shaqaynta la leeyahiin taas oo ku saabsan sidii howlaha shaqo ee ka dhexeeya loo dardar galin lahaa.

    Daawo.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.