Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo Dalkooda dib ugu celisay Boqalaal Itoobiyaan ah (Daawo)
    Puntland

    Puntland oo Dalkooda dib ugu celisay Boqalaal Itoobiyaan ah (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 26, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    BOOSAASO (IDIL NEWS)-Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland, ayaa weli Howlgallo culus ka wadda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, Iyagoona Ciidamadu cagta mariyay dhamaan Goobihii looga shakisanaa inay Gabaadka u ahaayeen Kooxaha falalka ammaan darro ka geysta Boosaaso.

    Goobaha Ciidamadu ay Howlgaladoodii ugu dambeeyay ay ka fuliyeen, waxaa kamid ahaa Xaafada ku dhow Dekedda Boosaaso iyo Goobaha Barakacayaasha, halkaas oo ay ciidamadu kusoo qab-qabteen Dad lagu tuhmayo inay qeyb ka yihiin Falalkii ammaan darro eek a dhacay Boosaaso.

    Sidoo kale, Ciidamada amniga Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay Tahriibayaal badan oo u dhashay Dalka Itoobiya, kuwaas oo tiradoodu gaarayso Boqolaal.

    Dowladda Puntland ayaa Dadka Tahribayaasha ah dib ugu daabashay Xaduudka ay wadaagto Dalka Itoobiya, Iyadoona lagu soo raray Gaadiid Xamuul ah oo Dadkan geeyay Dalkooda.

    Shacabka Degaanada Puntland ayaa soo dhaweeyay Talaabada dalkooda loogu celiyay Dadka Oromada ah, Iyagoona ku amaanay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, Go,aanka uu ka qaatay Xaalada amni ee Boosaaso.

    Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, iyo Ciidamo fara badan oo uu Hoggaaminayo, ayaa Howlgallo aan joogsi laheyn ka wadda Muddooyinkii ugu dambeeyay Boosaaso, kaddib dilkii loo geystay Maareeyihii Dekedda Boosaaso ee Shirkadda DP World, xilligaas oo uu Madaxweynaha Puntland amar ku siiyay  Laamaha ammaanka inay xaqiijiyaan amniga Boosaaso.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/DalmarmediaOfficial/videos/628506554252195/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.