Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Karaash oo Shir guddoomiyey kulan looga hadlayey ka hor-tagga Abaaraha Puntland (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Karaash oo Shir guddoomiyey kulan looga hadlayey ka hor-tagga Abaaraha Puntland (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 6, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlayey ka hortagga abaaraha Puntland.

    Kulankan uu shir Guddoomiyey Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna, guddoomiyaha Guddiga abaaraha Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa qayb ka ahaa wafdi ballaaran oo ka socdey Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Maamulaha Afrika ee hay’adda Sacad Muhanna iyo guddiga abaaraha oo uu magacaabay Madaxweynaha Puntland, kuwaas oo ka kooban Wasaaradaha Caafimaadka, Degaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada, Wasaarada Arrimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimquraadiyadda, Xanaanada Xoolaha, Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaa kaloo kulankan qayb ka ahaa Hay’adda Masiibooyinka Dabiiciga ah ee HADMA.
    Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa si qoto dheer loo faaqiday xaaladda abaaraha Puntland iyo sidii looga hortegi lahaa Abaarta, waxaana warbixin guud laga dhagaystay madaxda Hay’ada Masiibooyinka dabiiciga ah ee Puntland, kuwaas oo soo bandhigay Abaarihii dhacay sanadihii danbe iyo saamaynta ay ku yeesheen deegaanada Puntland.

    Wasiirka Wasaaradda Dekaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriyeye Gama’diid kulanka uu la yeeshay Madaxweynuhu weftiga hay’adda Boqor Salmaan iyo guddiga Abaaraha.

    “Muhiimaddisu waxay ahayd in la saaro sidii hay’adaha caalamiga ah iyo hay’adda Salmaan oo ah mid caalami ah, xogta loogu gudbin lahaa waanuna isla afgaranay inaanu u soo dajino Barnaamijka Puntland ay doonayso inay abaaraha kaga hortagto, tan hadda taagan iyo haddii mid wayn timaado in loo diyaar garoobo”, ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Dekaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriyeye Gama’diid.

    Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa guddiga abaaraha Puntland faray inay wafdiga ka socda Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan siiyaan xog dhammaystiran oo ku saabsan arrimaha abaaraha iyo habka ay Puntland u doonayso in looga hortago loona maareeyo abaarta.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/2258952774425623/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.