Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne ku- Xigeenka Puntland oo furay Shir Looga Hadlayo Nafaqada Puntland (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne ku- Xigeenka Puntland oo furay Shir Looga Hadlayo Nafaqada Puntland (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 11, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa furay shir ballaaran oo looga hadlayo dhaq-dhaqaaqa kor u qaadista la dagaalanka Nafaqo darrida Puntland, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Garowe.

    Shirka waxaa soo qaban qaabiyay Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland, waxaa ka qayb galay wasiirada wasaaraha, Caafimaadka, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Haweenka & Horumarinta Qoyska , Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska , Deegaanka, Beeraha iyo Is badalka Cimilada, Waxbarashada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo qaar kamid ah hay’adaha caalami ah.

    Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo shirka furay ayaa sheegay in shirkani yahay mid muhiim ah, waxa uu tilmaamay in dadka ugu badan ee ay soo foodsaarto nafaqadaridu ay kamid yihiin caruurta, dumarka iyo dadka xoolo dhaqatada ah, isla markaana waxa uu cadeeyey Madaxweyne Ku-xigeenka in dawladda ay ka go’antahay kor u qaadidda la dagaalanka Nafaqo darrida Puntland.

    Sidoo kale Madaxweyne Karaash ayaa hay’addaha iyo xukuumaddaba ku booriyey inay dar-dargaliyaan hawlaha shaqo ee lagaga hortegayo Nafaqadarida, iyadoo mar walba maanka lagu haynayo caqabadda ka imaan-kara abaarta ka jirta dalka.

    Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hay’addaha iyo xukuumaddaba ka codsaday inay dar-dargeliyaan dhaq-dhaqaaqa lagu dabar goynayo Nafaqo darida, Isla mar’ahaantaana waxaa uu Madaxweyne Ku-xigeenku ku amray hay’addaha iyo Wasaaraddaha ku shaqada leh arrintani in ay marwalba heegan u ahaadaan ka hortagga Nafaqo darida.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/401078763784315/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.