Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxa VNG International oo ka warbixiyay Waxqabadka Hay’adda ee Puntland (Daawo)
    Puntland

    Madaxa VNG International oo ka warbixiyay Waxqabadka Hay’adda ee Puntland (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 13, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Guuleed Axmed, Madaxa Hay’adda VNG International ee Puntland, ayaa ka hadlay Waxqabadyada Hay’adda ee Degaanada Puntland iyo sida ay u caawiyaan Dowladaha Hoose ee Degmooyinka Dowladda Puntland.

    Madaxa Hay’adda VNG International, ayaa Sheegay inay bilaabeen Dardar-gelinta Tayeynta ururka Dowladaha Hoose ee Degaanada Puntland ee loo yaqaan Al-GABAD, isla markaasna ay Hay’addu tababaro dibedda ah u qaaday Mas’uuliyiin katirsan Dowladaha Hoose ee Puntland.

    Sidoo kale, Mr. Guuleed Axmed, ayaa Sheegay in Hay’adda VNG International oo ay wehlinayaan Guddoomiyaha Ururka dowladaha hoose ee Puntland ahna Duqa Caasimadda iyo xubno kale, ay socdaal ku tageen Wadamo kale oo katirsan Yurub, si ay ugu raadshaan taageero.

    Waxaa uu sheegay inay heleen Balanqaadyo ku aadan inay taageero dhaqaale iyo tababaro la siin doono Dowladaha hoose ee Puntland, kuwaas oo uu sheegay in looga fa’ideynayo Mas’uuliyiinta si loo helo Waxqabad tayo leh.

    Hay’adda VNG International ayaa waxaa ku mideysan 355 kamid ah Dowladaha Hoose ee Dalka Holland, Iyadoona Hay’addu ay tababaro iyo taageero siiso ururada Dowladaha hoose ee Wadamada Africa.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/WarbaahintaDawladaPuntland/videos/1103376036500949/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.