Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo Soo Xirey Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo Soo Xirey Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 14, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xirey Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Dowladda Puntland oo sadexdii maalmood ee ugu dambeysey ka socdey xarunta Wasaardda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Magaalada Garoowe.

    Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey Madaxweynaha Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan Golaha Xukuumadda.

    Madaxweyne Deni oo soo xiray shirka ayaa ka jeediyey khudbad taariikhi ah, waxa uu Madaxweynuhu Mahad ballaadhan u jeediyey masuul walba oo ka qayb qaatay hirgelinta shirka.

    “Dhammaantiin waa mahadsantihiin qof walba oo ka qayb galay barnaamijkii quruxda badnaa ee sadexdii maalmood ee ugu dambeysey socdey oo ay ugu muhiimsaneed in la joogteeyo hawlihii halkaan ka socdey, qof walibana ka qayb qaato runtii, waxay noo tahay guul in maalmihii aan ugu tala galnay ay ku dhammaadaan,

    “Waxaan Alle ka sokow guulihii aan gaarnay uga mahadnaqaynaa ciidamada qalabka sida ee Puntland oo maalmaha aan halkan joogney ammaanka si habsami leh u sugayey, wan ku faraxsannahay runtii shirkaan agaasinkiisii, socod siintiisii iyo natiijadii ka dhalatay intaba ay ahaayeen kuwo ay taariikhdu xusi doonto” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland ayaa dhankiisa bogaadiyey qaabka wanaagsan ee uu usoo dhammaaday shirku, waxaana uu xoojiyey qorshaha Madaxweynaha Puntland ku hirgeliyey yoolaalkii uu ku galay doorashada, taasi oo bud-dhig u ah dhammaystirka Jihaynta siyaasadda Xukuumadda Cusub ee dawladda Puntland.

    Ugu dambeyn, Madaxweyanaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaahaado sharaf guddoonsiiyey qaar ka mid ah shaqaalaha iyo masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah oo marti galisey shirkan iyo hay’adda Sidra oo shirka qayb muhiim ah ka qaadatay.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/571935506657859/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.