Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Muqdisho: Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti oo xariga ka jaray Safaaradda Jabuuti (Daawo)
    Puntland

    Muqdisho: Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti oo xariga ka jaray Safaaradda Jabuuti (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 17, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ee Maxamed Cabdulalahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Maanta waxaa ay siwadajir ah xariga uga jareen Safaarada Dowladda Jabuuti ay ka dhisatay Magalada Muqdisho taas oo laba sana ka hor la dhigax-dhigay.

    Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Safaarada oo ku taalla degmada Cabdul Casiis ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha labada dal, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda iyo sidoo kale Madaxweyn ihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

    Intii ay munaasabada socotay ayaa waxaa Goobta Heeso Wadani ah kusoo bandhigay Fanaaniinta ka mid ahaa wafdiga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee Xasan Aadan Samatar, Axmed Cali Cigaal iyo Cawaale Aadan Daahiye.

    Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumart Geelle ayaa lagu wadaa Goordhow in uu khudbad u jeediyo Xildhibaanada labada Aqal oo kulan deg deg ah ku leh Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye,waxaa sidoo kale uu u duuli doonaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti oo ka mid ah howlgalka AMISOM.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/universalsomalitv/videos/2080220552098302/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.