Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Wasiirka Arrimaha Dibedda Eritrea oo gaaray Hargeysa, kulana la leh Madaxweyne Biixi (Daawo)
    Puntland

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Eritrea oo gaaray Hargeysa, kulana la leh Madaxweyne Biixi (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 18, 2019Updated:March 18, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    HARGEYSA (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah ka degay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland.

    Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa saakay un ka war heshay warbaahinta maxaliga.

    Madaxweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici ayaa wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Cigaal.

    Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cismaan Saalax Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa,  ayaa sheegay in Madaxeynaha Eritrea uu soo diray si ay u ogaadaan waxaa ka socda Somaliland.

    Wafdiga wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa loo galbiyay Madaxtooyada, halkaasoo wada hadalo kula yeelanayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/XafiiskaSaxaafaddaMadaxtooyadaJSL/videos/390460621777741/

    IDIL NEWS


    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.