Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Ra’iisulwasaare Kheyre oo Shir guddoomiyay Tubta Horumarinta Dhaqaalaha (Daawo)
    Puntland

    Ra’iisulwasaare Kheyre oo Shir guddoomiyay Tubta Horumarinta Dhaqaalaha (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 18, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta horumarinta dhaqaalaha oo looga hadlay qorshaha dawladda Soomaaliya ay ugu diyaar garoobayso ka qayb galka shirka sannadlaha ah ee ay wada qabanayaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda lacagta Aduunka (IMF).

    Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo ka war bixiyay kulanka maanta ayaa sheegay in shirka looga dooday wixii Soomaaliya uga qabsoomay shuruudihii lagu xiray cafinta daymaha lagu leeyahay dalka oo gebegeba maraya, falanqayn kadibna Ra’iisul Wasaaruhu uu amray dhammaan wasaaradaha in maalmaha ka dhiman bishaan March ay ku gunaanadaan buuxinta shuruudaha si shirka Washington ee horraanta bisha April ee sannadkaan ay uga qayb gasho dawladdu iyada oo buuxisay dhammaan shuruudihii ku xirnaa cafinta daymaha.

    Shirka April ay Washington ku wada qabanayaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda lacagta Aduunka (IMF), ayaa waxaa kasoo qayb gelaya dhammaan dawladaha daynta ku leh Soomaaliya, waxa ayna dhagaysanayaan warbixinnada Bangiga adduunka, IMF, Midawga Yurub iyo deeq-bixiyayaashu ka gudbinayaan hannaanka ay Soomaaliya usoo buuxisay shuruudihii lagu xiray, ayna waddamadu ku qaadan doonaan go’aan la xariira qorsha ay dalka uga cafinayaan daymaha ay ku leeyihiin.

    Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa rajeeyay in shirkaas kadib Soomaaliya laga cafin doono daymaha, loona furi doono dhaqaalaha adduunka arrintaas oo horseedaysa horumarka dalka

    Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in horumarka dalku uu yahay hadaf guud oo ka dhexeeya shacabka, ganacsatada iyo dawladda, ayna wada ilaashanayaan, ayaa caddeeyay in uu sii socon doono dawlad wanaagga ay dawladdu waddo, waxa uuna dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qaataan qaybta kaga aadan oo ay canshuurta bixiyaan dawladana kula xisaabtamaan waxa ay qabato iyo maamulka maaliyadda.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/sntvnews/videos/2542397429107146/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.